Tir wixii Tagay!!

9:03 AM

Meeqa sano ayaad jirtaa? Ha iiga jawaabin, sow adiga ma ogid? Haddaba, intaas baa iga filan. Illaa cimrigaan aad jirtey waxaa lagu baray in aad sameyso waxaan iyo waxaas, in aad u fikirto sidaan iyo sidaas, in aad ka fogaato halkaan iyo halkaas, in aad jeclaato qofkaan iyo qofkaas, in aad ka fogaato kooxdaan iyo kooxdaas, iwm. Haddii la soo koobo, waa lagu borograamiyey, waa lagu jiheeyey, waa laguu taliyey. Adiga marna si dhexdhexaad ah intaad u eegtay waxa laguu sheegayo kaskaaga iyo maankaaga kuma aadan dooran. Da'daan aad jirto in aad sidaas ku sii socotaa waa kugu ceeb ee waxaa haboon in aad dib u eegto dhammaan waxyaabaha adigoo aan dooran si dabiici laguu qabatinsiiyey.

Haddeynu nahay aadane fikiraya, waxaa hubaal ah jecel nahay in aan yeelanno khayaarkeenna oo aan waxaan rabnana ka tagi karno waxaan rabnana qaadan karno. Dadyowga badankoodse maanta waxay ku rarn yihiin fikrado lagu khasbay oo laga dhaadhiciey in ay aaminaan. Waxaa ka mid ah 'lahaanshaha masiirkooda nololeed', waxaa laga dhaadhiciyey quruxda noloshooda, horumarinta naftooda iyo deegaankooda, soo kordhinta isbaddal kasta oo ay doonayaan in ay ku xiran tahay siyaasadda wadanka. Maxay micno sameyneysaa catawga iyo cabaadka madaxda lagu cabaado haddiiba kuwa dooranaya annaga aan nahay?

Mas'uulka waddanka u sarreeya, aabaha ilmaha dhalay, macallinka iskuulka, maamulaha xafiskaaga shaqo kulli waa kaligood taliyeyaal sida ay u badan tahay. Adiga la mid baad tahay! Sidee buu qof uga badbaadayaa dhaqanka kaligiis-taliyenimada ah marka qoyskiinna aan weligeed ilmaha lala tashan, la dhageysanin waxay rabaan? Dabcan, adigana fursad uma aadan helin aad barato waxa ay ka dhigan tahay in dadka kale lala tashado, sababtoo ah dugsiga iyo shaqadaba kaligood-taliyeyaal baa kaaga horreeyey. Aad bay u sarreysaa suuro-galnimada in aysan aabeyaasheen weligood wax na weydiinin, nala sheekeysanin, sida aan rabno aysan ogaanin, aysanna na barin hab-hadalka wanaagsan. Waxaa la sheegaa in kaligood-taliyeyaashu ay ka soo baxeen guryo noloshooda adag tahay, ilmahana aan fikirkiisa la qiimeyn jirin, amaba ay ahaayen kuwo darbi jiif ah. Haddaba, haddii uusan qofku si feejigan u eegin dhaqankiisa, waxa si toos ah iyo si dadbanba loo barin, hubaal isagana wuxuu marayaa tabtii kuwii ka horreeyey ay mareen.

Soo xasuuso xilligii ciyaalnimada, waxaa nala yiri tukada salaadda naloomana sharxin sababta aan u tukaneyno, waxa aan ka dheefeyno iyo asaaska iimaankeenna. Mark salaaddu waxay noqotay wax nalagu khasbo, qofna laguma khasbo wax uu fahansan yahay in ay fiican tahay, laakiin yaaba isku dayey in uu si caqligal ah noogu sharxo ujjeedka ka dambeeya salaadda. Marmarka qeybtood markii aan ka baqeyno in uu na dilo macallinka dugsi qur'aan haddii aan ka soo daahno masaajidka, maxaan sameyn jirnay ma xasuusan? Salaaddii oo hal rakco dhiman tahay ayaan masaajidka orod ku soo galeynaa, kadibna ilmaha dhinaca naga xiga baan qandhuufaneynaa oo dhaheynaa intee rakco i dhaaftay? Markaasuu 2 farood taagayaa, micnaha laba rakco baa kaa tagtay. Ka gaarsii rakcadaha kaa tagay si macallinku uusan salaadda uga bixin adigoo ay kuu dhiman tahay laba rakcadood oo kale. Marmarka qeybtoodna waalidku intii salaadda subax noo kiciyo baan luuq ku leexan jirney oo seexan jirney halkaas, kadibna marka salaadda laga baxo ayaan soo laaban jirnay. Waa lagu su'aalayaa, masoo tukatay? Haa. Rakcaddii koowaad imaamku suuradee ku tuujiyey??? Ilmahaasi hadhoow markuu weynaado ma waxaad ka fileysaa in uu salaad tukado? Waxaanba u maleynayaa in waalidka loo tukan jirey ee aan Rabbigii na uuntay loo tukan jirin.

Waad weynaatay si kastaba halaguu soo koriyee. Shirkad baad u shaqeysaa, koox baad ka tirsan tahay, qabiilkaagana qaaraan bay kuugu yimaadaan. Shirkadda aad ka shaqeyso waxay qaadatay siyaasad aan waxtar u laheyn deegaanka iyo dadka masaakiinta ah, adiguna kuma raacsanid; sidaasoo ay tahay, madaxa ayaad u ruxeysaa. Kooxda iyo jameecada aad ka tirsan tahay waxay boorinayaan in jameecadaha kale iyo kooxaha kale aad u aragto kuwo lunsan aadanna ku tukanin masaajidka ay maamulkiisa gacanta ku hayaan, sidii xoolihii oo kale baad markale ku waafaqeyso wax uusan damiirkaagu qaabilin. Reerkaaguna markay reer kale ku duulaan oo lagu weydiiyo in aad bixiso lacag saanad iyo rasaas lagu gado, waad dhiibeysaa inkastoo aadan ku raacsaneyn dhaqankaas. Waxaad ka baqeysaa in aad su'aasho filickooda, waxaan ka leexleexaneysaa in aad ka soo horjeesatto dhaqamada damiirkaagu aanu yeeleyn sababtoo ah waxaad ka mid tahay shirkaddaas, kooxdaas ama reerkaas. Wax walbey sheegaan waad la qabtaa, dadka kale markay ku weydiiyaanna waxaad u raadineysaa cudur-daar inkastoo aadanba u heynin. Si indho-la'aan ah baad u taabacsan tahay cidda aad taabacsan tahay malaha. . .

Intaasoo dhan haddii xisaabta lagu darsado, waxaa soo baxeysa in aadan aqoon qofka dhabta ah ee aad tahay. Waxaana talada u fiicani ay tilmaameysaa in 'dib u eegto wax walboo aad heysato ood is weydiiso iyo xaalad walboo aad ku jirto. Waxaani ma wax aan anigu rabo baa?  Ma wax aan anigu aaminsanahay baa?' aad is weydiiso si aad si fiican naftaada u barato. Laakiin, adigoo xaaladii ku dhex jira ma eegi kartid ee JOOGSO oo eeg hareerahaaga, halka aad taagan tahay, waxa aad sameyso, waxa laabtaada ku jira. Maxaad sameysaa oo aadan si kal iyo laab ah u sameynin? Caadooyinka, dhaqamada iyo quraafaadka lagugu soo shubay kuwee baan kaa dagsaneyn misena aad sameysaa? Illaa iyo da'daan aad joogto maxaa ku soo raacay oo aadan adigu dooneynin? Kulli qub oo xulo kuwa aad adigu raaliga ka tahay ama aamisan tahay.

Wax walboo mudan in la qabto waxay mudan yihiin in si fiican loo qabto. Dib u eeg noloshaada oo idil, si fiican isu dul taag qodob kasta, fikir kasta, dhaqan kasta, mabda' kasta, aragti kasta oo aysan laabtaadu si raaxad ah u soo dhoweynin. Baro dadka in aad "MAYA", "Waan diiday", "Kuguma raacsani", "Ma doonayo in aan sameeyo" iwm ku tirahdo haddii aadba ula jeeddo.

Everything that is worth doing is worth doing good
But, if you don't know how to do it then everything that is worth doing is worth doing badly, until you do it right

Joogso oo dib u milicso maxaad si joogto ah u sameysaa, maxaad aaminsan tahay oo aadan adigu dooranin? Intii aad koreysay baa caadooyin, dhaqamo iyo quraafaad ay dhex kaa soo raaceen oo aad iska aamintay, qub kulli oo dib u eeg noloshaada.

Naftaada si aad u barato waa in aad eegto wax walba oo aad heysato ood is weydiisaa waxaani ma wax aan anigu rabo baa? Ma wax aan anigu aaminsanahay baa?

Qoyskaaga haddii aan lagula tashan jirin, laguna dhageysan jirin; adi isbar la tashiga dadka kale. Haddii aabahaa uu kaligiis taliye ahaa, uusan weligii idinla tashan, idinla sheekeysan, uusanna idin barin habka hadalka wanaagsan  . .

Salaada haddii aad wadada waa cidlo ee yaan lagula yaabin darteed masaajidka ugu leexan jirtay, iska tir fikirkaas oo masaajidka ugu leexo rabitaan aad salaada adigu rabto

Reerkaaga, jameecada aad ka tirsan tah iyo shirkadda aad u shaqeyso wixii aadan ku waafaqsaneyn in aad madaxa u ruxdo ma ahan, ka istaag oo ha ogolaan daciifno, haddii kale waxaad noqoneysaa qof damiir iyo wax uu u taagan yahayba aan aqoonin

Dadka dalkuba haddii ay kuwa ku raran fikrado lagu khasbay oo aysan iyagu aaminsaneyn weligeed horumar ma gaarayaan, micno ma sameyneyso catawga iyo cabashada ay ka cataabayaan madaxda sare.


You Might Also Like

0 Comments