Maxaad Iiga Jeeda?
9:54 AMSaacaddii baa qeylisay, saa 5 daqiiqo kadib igu soo celi baan ku iri mise anoonba indhaha isasii galin waatan markale qeylineysa. Saan yeelaa haddaba? Go'ii baan dhinac isaga tuuray sariirtiina ka soo dagay. Halka u horreysa ee aan aroor kasta abaaro baan qabtay deetana muraayadda baan hor istaagay anoo isleh weji dhaqo deetana cadayo. Mise muraayaddu waa qamm, gudcur madoow!! Korka sare ee saqafkana iftiinka leyrka baa ka baxaya, muraayadda dusheedana nal kale baa ku dhagsan. Waxaan is iri waad hurdeysan tahayee fiishka indhaha kaaga jira iska bixin, mise weli waa sidii isma arko.
![]() |
Isha sawirka: interrior-deluxe.com |
Waxaan damcay in aan muraayadda gacanta la aado si aan u hubiyo waxa isbadalay waxa uu yahay. . Mise gacantaan la aaday baa iga hortimid! Humaageyga muraayadda ayaa joogso yiri! Indhahaan taagay, gadaasheydaan eegay, misna dhinacyadeyda cidna ma joogto. Banaankaan u soo baxay qolka cidna ma igula jirto. Musqushaan ku noqday sidii si la mid ah iftiinkaa baa i cawaray illaa aan isku aadiyey muraayadda. Hadal buu bilaabay, "In 3 sano ku dhow baad i hor taagneyd!. . " Waa humaageyga oo hadlaya. Yaaab! Bushumaheyga baan labada gacmood ku qabtay mise ma dhaqdhaqaaqayaan! Oo haddaa humaageyga sidee u hadlaa anoon hadleyn? Sidii in aan shaanshad ka daawanayo muuqaalo horey loo duubay oo kale.
Waan is adkeeyey oon is iri ka sal gaar maanta waxa khaldan. Hadalka buu sii watay isagoo wejiga kaduudaya sida qof careysan oo kale ". . . Waad is eegtaa, deetana waad tagtaa. Maxaad iska eegtaa horta? Ma waxay kula tahay haddii aad is eegto in aad ka qurux badan tahay haddii aadan is eegin? Sankaagu waa sidiisii, indhahaagu waa sidoodii, intaadu waa sideedii. Markaad ii timaadid iyo markaad iga tagtidba sidaadii baad tahay. Maxaad iga soo doontaa horta? Maalin walba markaad ii timaadid waan ku arkaa deetana saad u muuqato baan ku tusiyaa, laakiin waxaan mar walba jecleystaa in aan intaa in ka badan in aan kaa arko. Saas ha ii eegin maskax xume? Aniga adoo qaawan isoo hor istaag kama wado. War aniga waxaan rabaa in aan arko madaxaagan gudihiisa waxa ka guuxaya, waxa uu sawiranayo, laabtaadan waxay qarsaneyso, waxa aad dareemeyso iyo waxaad aaminsan tahay.
. . .
0 Comments