ISKA JIRA MACALLINKAAGA
1:21 AM
Booqashooyinkii aan fiidadkii ku tagno guryaha qoysaska
tabaaleysan ayaan middood ku hagaagnay guri ay dowladda waddankan Turkigu
dajisay ilmo aan ehel laheyn ama ehelkoodii ay dayaceen. Dowladda Turkigu guryahaasi
waxay ugu walqashay magaca ah 'Sevgi Evi' oo 'Guriga Jaceylka' la micno ah.
Guryaha Jaceylka intii aysan dowladdu abuurin kahor ilmaha darbijiifka ah waxaa
lagu xareyn jirey koleej, hayeeshee waxaa mar dambe la garowsaday in ilmaha
nolol guri lagu barbaariyo ay ka faa'iido badan tahay. Haddaba, guryaha
jaceylka waxaa la isugu geeyaa 3 - 6 carruur ah oo iska da' dhow, waxaana loo
yeelaa aabbe/hooyo beebeenaad carruurta iyo gurigaba ka mas'uul ah. Xaaladdooda
dhaqaale wax ka khaldan ma jirto, laakiin nafsi ahaan ayaa yaryarku dhib u soo
mareen.
Lix wiil iyo aabbe[SM1]
ka mas'uul ah ayaa guriga isla deggen. Aminkiiba cabbitaan iyo macmacaan ayey
noo soo dhigeen, deetana isbarasho iyo sheekooyin baa la galay. Aabbihii ilmaha
xaaladdooda waxbarasho iyo nololeed buu faahfaahin naga siiyey oo uu ammaanayey
ilaa xaaladda waxbarasho ee Maxamed mooyee. Maxamed waa 16 jir niyadna uma uu
hayo in uu jaamacadda u gudbo dugsiga sare ka dib. Dhallintii aan wada soconnay
iyo cid kastoo qolka nala joogtayba waanin iyo la talin bay guda galeen,
aniguse ma daneyneyn in aan ka hadlo arrintaas. Sababtana waxaan u maleyn in ay
tahay fikir igu qafilan oo oranaya 'si aad meel isaga soo saarto kuma khasbanid
in aad waxbarasho nidaamsan usoo marto'.
Aniga iyo Maxamed waxaa dhexdeenna fadhiyey Faatix Anas oo
Maleysiya u dhashay. Dan aanan garaneyn waxay tahay ayuu u kacay Anas, markaas
ayeyna aheyd goortii uu dhinaceyga usoo durkay Maxamed isagoo i leh "Walaal,
maxaad barataa?" "Anigu Injineerriyadda Kamibyuutarka ayaan takhasus
ka wadaa" baan iri. Isagoo dhoollacaddeynaya ayuu ii sheegay in dugsiga
sare ee uu dhigtaayi uu yahay dugsi-xirfadeed, gaar ahaan 'ku naqshadeynta
kambiyuutarka'. Wuxuu ii raaciyey su'aal ah, "Cayaaro kamibuutareed
(computer games) ma sameyn kartaa?"
![]() |
Maxamed Yare, Aniga iyo Faatix Anas. Si ula kac ah Ayaan u qariyey wejiga wiilka yar. |
Waan naxay! Wejigaan kuduuday. Neeftii baa igu yaraatay.
Indhaheyga waxaan dhinacna uga leexin kari waayey wejiga Maxamed Yare... 30
ilbiriqsi ku dhowaad markaan aamusnaa buu is yiri hadal, "Boowoow..."
hayeeshee hadalkii baan ku kala jaray anigoo weydiinaya "Sidee buu ku yiri
hadalkaas macallinkaagu?" Wuxuu ii sheegay in uu macallinkiisa ka codsaday
in uu baro sida loo sameeyo cayaaro kambiyuutareedka deetana uu macallinku
jawaabtaas siiyey. Wax yar oo faanta ah baa ku harsaneyd koobkii horteyda yaallay,
intii baan ka fuuqsaday, isla markiina anoo u jeeda baa dhidid yar iga soo
yaacay. Wejigiisa baan eegmada ku sii xoojiyey waxaana qaab kala baxbaxsan oo
waadix ah aan ku iri, "Macallinkaaga miyuu sameeyaa computer games?
Weligaase ma aragtay game uu macallinkaagu sameeyey?" Wuxuu iigu jawaabay
"May."
Khalaas, aniga intaas bey iga aheyd weydiimaheygii waxaana
iga dhex guuxayey in ka badan shan boqol oo kun oo farriimood, waan aqaannay
wixii aan u sheegi lahaa wiilkan yarka ah iyo sidii aan ugu sheegi lahaa. Waan
ogaa in ay tan aniga fursad ii tahay aan farrimahaas aan maalin walba akhriyo
ugu gudbin lahaa qof aad ugu baahan. Halka dhib ah oo meesha yaallay wuxuu ahaa
oo kaliya sideen u kala horreysiiyaa wixii aan ku odhan lahaa inankan; mar hore
baa iigu dambeysay qof noociisa oo kale ah in aan wax u sheego. Waxaan toos
usoo qaatay oraah uu jilaaga caanka ah ee Will Smith ku oranayo wiilkiisa Jey
Smith filinka 'The Pursuit of Happiness'; "Weligaa ha u oggolaanin
qofna in uu kuu sheego in aadan sameyn
karin waxa aad rabtid, dadka aan iyagu qudheeda waxba sameyn karin baa doonaya
in ay adiga kugu yirahdaan waxaas ma sameyn kartid. Riyo haddii aad leedahay
riyadaada waa in aad difaacataa."
![]() |
Filinka 'The Pursuit of Happyness' - Jilaa Wil Ismiit |
Waxaan isla markiiba soo saaray taleefankeyga, deetana Youtube
baan ku qoray "Sida loo sameeyo computer games" waxaana isla markiiba
soo yaacay boqollaal muuqaal oo casharro ah laguna sharxayo afkiisa, waxaan ku
iri, "Casrigaan la joogo dadka jahliga ah uun baan aqoonin sida ay u baran
lahaayeen waxa ay rabaan in ay bartaan" Daawo muuqaalladaan maalin walba
hal saac, iska diiwaan geli website-yadan oo lagu bixiyo casharro taxane ah oo
bilaash ah, la saaxiib kambiyuutarkaaga, deetana muddo kooban gudahood waxaan
doonayaa in aan warkaaga helo. Waxaan rabaa in aan kaa arko meelo badan oo lagu
leeyahay game-kan waxaa sameeyey Maxamed Yare."
Qormadii aan u qoray mas'uuliyiinta Mashruuca Damla ‘Dhibic’
ee ay leedahay wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Turkiga waxaan ku soo
xiray hadalladaan.
Dalkiinnu nidaam iyo kala dambeyn buu leeyahay oo qofkii
dambi gala waad xirtaan, laakiin qaanuunkiinna miyey ku xusan tahay macallinkan
dilaaga ah ciqaabtiisa? Qof hankiisa iyo rajadiisa burburi maxay kaga duwan
tahay in aad baabbi'iso mustaqbalkiisa? Dalka dadka ceynkaas oo kale ah ka
ceshta baan idin oran haddii ilmihiinna aad rabtaan in ay hantaan mustaqbalka
dalkiinna.
Qisadan baraha ku jiraayi iyo bareyaasha kale oo laga helo
sifadiisan waxay hoos galayaan nooc ka mid ah bareyaasha casrigan jira oo aan
ugu yeero ‘HANJABIYEYAAL’. Filo qormooyin kale oo aan ku iftiiminayo noocyada
kale ee bareyaasha.
![]() |
Kartuun loo ekeysiiyey macallin arxan laawe ah. |
0 Comments