Maxaa Lagu Dabiibaa?
6:03 AMCishqi ruuxu dardaray
Ula kacay dushaa sare
Maskaxdii uu ka daashay
Dantiisana hilmaamshay
Maxaa lagu dabiibaa
oo daawadiisu ay tahay?
Shumac fiid la daartay
oy dabeyli ka daba timid
Iftiinkii ka damisay
Mugdi baday dadkoo idil
Maxa lagu daryeelaa
oo dabka loogu daaraa?
Dooni bad mareysay
oy mawjadi darbeysay
Dukumdaakumowday
Duulkii dul saarnaa
Maxaa daadgureynoo
degdeg loogu gaaraa?
0 Comments