Casrigii Nacasyada
4:59 AM
Aadanuhu noloshooda way kharribeen waxayna ka yeeleen
mid aysan iyaguba jecleyn, waxayse doonayaan in ay ku noolaadaan halka ay jecel yihiin
una noolaadaan sida ay jecel yihiin. Nasiib darraduse waxaaba lagu tilmaami
karaa in badi aadanuhu aysan aqoon waxa dhabta ah ee ay doonayaan. Qof waliba
waxa uu heysto ma kuma uu qanacsana, haddana wax walba waxay u macaanaadaan
markii uu waayo taasaana dhalisa in ay ruuxu badi ku baraarugo qiimaha ay
leeyihiin dadka noloshiisa/eeda ku hareereysan goor ay xeero iyo fandhaal kala
dhaceen. Tusaale, inantuu calmaday markii ay ka dhaqaaqdo buu cataw galayaa,
intii ay ag joogtay muu kasbado qalbigeeda? Naxashka markii la saaro meydka
aabihiis ayuu ku hadaaqayaa aabaheey booskiisa ayaa ii buuxin doona, maysan
fiicneyn in aabuhuba dareemo in ilmihiisu jecel yihiin intaanu tii Eebbe u
iman? Nasiib darradeena bal eeg, mar
walba waxaan nahay dib dhac.
Sidoo kale dadka casrigaan marka xaqiiqda loo sheego oo
runtu ay cadceeda oo kale u ifeyso ayey isku sii mashquuliyaan in ay raadiyaan
humaag iyo male-awaal aan jirin. Markii ay geeridu u timaado buu xasuusanayaa
sida ay aheyd in uu sameeyo. Bal eeg, maanu dad u liidan qofka heysta hage,
wadadii uu mari lahaa, iyo iftiin ku filan? Si fudud u fikir, runta haddaad ka
carartid been baad heleysaa; ruux daacad ah haddii aad cidleysan mid
dhagar-qabe ah baad ka ag dhowaaneysaa. Annagoo og in uu qof dhagarqabe yahay
baan si is daba joog ah ugu dhacnaa siriqdiisa, midka niyada wanaagsan halkuu
isku dayayo in uu noo leexiyo wadku illaa intuu ka soo xaadirayo maba fahmeyno.
Waa na kaas oo Aadane baan nahay.
Intaasba kuma ekeysanno oo waxaa badi la arkaa in kuwa
wanaageena jecel ay yihiin kuwa aan u geysanno tacaddiga ugu badan, kuwa ifka
noogu necebna iyagoo naga sii cararaya baan daba eryannaa oo cagta cagta u
saarnaa. Haddii garab nalooga soo baahdana meermeeris iyo waji-kaduud uun baa
naloogu iman, markii xaaladuhu wanaagsan yihiinna dadka annagaaba ka qosol
badan. Hubaalee laba wejiileyaasha dhabta ahi waa innaga nasiib darrose waxaan
ku mashquulsan nahay in aan dadka kale ugu yeerno "Laba-wejiileyaal".
Maanan ku sifoobeynin oraahdii aheyd "Maroodigu takarta saaran ma arkee
tan midka kale saaran buu arkaa"?.
Markale waxaad arki in aan intaas oo nooc aan nahay oo
waxa na kala qeybiya baaba ciidaas ka badan. Isir, diin, luuqado, midab,
dhaqan, dano, iwm. Sidaasoo ay tahay waxyaabaha aan ka mideysan nahay waxaa u
horeysa maalka/hantida. Haddii aan been la isu sheegeyn dadkoo badankiis waxaa
isir, diin, luuqad, midab, dhaqan iyo danba u ah waa LACAG baa la oran lahaa.
Waxaan u maleynayaa in Filimaanta iyo buugaagta sheekooyinka uun lagu sheego
dad caashaq u dhintay, qarnigaanse dadku jaceylka ay lacagta u qabaan (cudurka
la yirahdo lacageey lacag) bay si tartiib tartiib ah ugu wada baaba'ayaan.
Xusuusnoow, khilaaf walba oo noo dhaxeeya hanti baa asal u ah iyada uun baana
lagu xalliyaa. Aadanuhu halkaasuu marayaa ma ahan? Rajo maan leennahay haddaan
is weydiino, "Mid aad u yar" bay noqon jawaabtu.
Taas waxaaba nooga sii daran qof waliba oo naga mid ah midka
kale ayuu ka filayaa garab iyo hiil, innagoo xitaa kaftanka dhexdeena ah uu
wada yahay cay iyo is af lagaadeyn. Waxaanba wada dooneynaa in aan guranno
miraha ka soo go' geed qallalay oo aan hilmaamnay waraabintiisa sannado ka hor.
Si kastaan u horumarnay xitaa oo aan wax walba ugu fududeynay hab ay naftu
raaxo ku dareemi karto waxaa naga dhintay xarigii dhexdeena ahaa. Dadka ayagaa
isu ah muraayad sababtoo ah mar walba qofku waxa uu yahay sida ay xiriiradiisu
yihiin. Xiriirka aad la leedahay saaxiibadaa, ehelkaaga, shaqaalaha aad la
shaqeyso, deriskaaga iyo bulshadaba ayaa adiga waxaad tahay oo idil qeexaya.
Haddii aynaan rabin in casrigeennaan loo aqoonsado
"Casrigii ay aaladuhu fariiddo (caqli badan) ahaayeen, dadkuna wada
nacasyo" waxaa nala gudboon in aan ka shaqeynno xiriirada dhexdeena ah.
0 Comments