Dhafar Baan Ka Soo Toosay
5:35 PM
Fiid-meereyaashu way ka horreeyaan jarmaadeyaasha marka
laga eego dhanka hal-abuurka. Halka ay jarmaadeyaashu dugsiyada iyo goobaha
waxbarashada kaga dheereyeen fiid-meereyaasha, haddana fiid-meereyaasha baa la
ogaaday in caqliga iyo garaadka guud in ay kaga sarreeyaan aroortii dadka
kallaha. Daraasadaha laga sameeyey fiid-meereyaasha waxay gaareen heer la
ogaado in dadka dhafra ay 'rag u badan yihiin', kuwooda u caansanna uu ka mid yahay
madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama.[1] Hubaal, dadka tamar-shaqeedkoodu uu
aadka u sarreeyo xilliga habeenkii ugu badnaan waa rubuc ka mid ah bulshada
waxayna ku rafaad qabaan la qabsiga bulshada inteeda kale. Aalaaba su'aasha ah
"Maxaad ku barideen?" waxay kaga jawaabaan "Dhafar baan ku
barinnay."
Weligeey waxaan ahaa fiid-meere. Jaamacadda waxaanba
nasiib u yeeshay in aan galinka dambe dhigto oo aan 9ka fiidnimo ka imaaddo.
Halka dadku casheeyaan seexdaan, aniga taxanaheygu waxa uu ahaa 'cashee -
cayaaro soo daawo - internet gal - ku noqo casharada jaamacadda - salaada subax
tuko - firaashka is gee'. Fiid-meerenimadeydu waxay gaartay xitaa heer aanan
maalintii wax akhrinin, oo kaliya aan habeenkii wax akhriyo aanna qaabeeyo oo
qoro barnaamijyo kambiyuutareedka uu takhasuskeygu ahaa. Runtii,
bareyaasha-kambiyuutarka (programmers) waxay shaqadooda u fiican qabtaan
habeenkii taasna waxay adkeyneysaa cilmi-baarista sheegeysa in fiid-meereyaasha
hal-abuurkooda sarreeyo. Anigase tumaalnimadeyda iyo fiid-meerinimadeyda is
caashaqayi waxaa ka maqnaa wadaadkii isu meherin lahaa, kafee. Taasi waxay mar
walba isoo xasuusisaa filinkii "Ka Fiican, Ka Xun iyo Ka Fooshaxun - The
Good, The Bad & The Ugly" gaar ahaan mar uu jilaagu ku lahaa ninkii
hubeysnaa ee ku dul jeesjeesayey "When you've to shoot, shoot, don't
talk" - Markay tahay in aad qof toogato, toogo, ha hadlin" Teyduna
waa "Haddii aad rabto in aad dhafarto dhafar, ha cabin kafee".
4tii sano ee ka dambeeyey jaamacadda waxaan dhib badan
ku qabay shaqooyinka aan ka shaqeyn jirey oo aalaaba 7da subaxnimo bilaaban
jirey. Dib markaan ugu laabtay waxbarashada oo aan diyaarinayey takhasuskeyga
heerka 2aad baan dib u helay xorriyadeydii fiid-meerenimo. Xiisadaha 10ka
subaxnimo ku soo aada aad baan u dhibsadaa illaa hadda, mey 1da ka dhigaan baan
ku celceliyaa, sidaasoo ay tahay sannad-dugsiyeedkaan tiro ka laba jeer ayaa xiisaddii
1da ay i dhaaftay anigoo hurdaya. Dhadhanka hurdada aroortii bilaabata ma ahan
mid wanaagsan dhabtii, kana dhargi meysid nasasho fiicanna ka heli meysid.
Gu'gii 2014 ayaa asxaabteyda inan ka mid ahi ay arooryo
ka mid ah arooryaha ii soo qortay gabay carabi ah oo ka hadlayey dheefta ay
leedahay jarmaadidada aroortii. "Codka macaan ee ay shimbiraha ku
heesayaan, leyrta qaboow ee dhaceysa, fallaaraha cadceedda, laamaha dhirta
shanqarta ay bixinayaan iyo daganaanta jawiga waxaa gafay kan habeenkii dhafree
khuurinaya subaxdii. . . " Way ogeyd in aan dhafraa ahay. Waxaa kaloo isla
gu'gaas dhexdiisa aan akhriyey buug uu qoray qoraaga reer Turki ee la yirahdo
Erdal Demirkiran oo uu ugu magac daray "Nacasyada oo qura ayaa 8 saac
seexda" Waxaana uu buuga qeyb ka mid ah ku canaanayey dadka habeenkii
guureeyaa. Wuxuu tilmaamay in uunka waxa saaran ay u adeegaan aadanaha,
kulligoodna subaxdii markii 6-da la gaaro way soo toosayaan. Qoraxda, dhirta,
xayawaanaadka iyo wax walba way soo kacayaan, halka aadanuhu hurdayo. Malaha
gu'gaas baa ugu dhowaa xilli aan isbedeli karo oo aan goosto in aan
jarmaadeyaasha ku biiro, hayeeshee nasiib darro xitaa iskuma dayin. Waa iyaga
Turkidu yirahdaan "Caadeyste wuxuu caadeystay kama go'"
Haddaba, sideey nolosheydaa ku socotaa? Hawlaheyga,
ballamaheyga, shaqooyinkeyga kulli aadanaha ayey kala mid yihiin waa kuwo
subaxdii bilowda, anna subaxdii baan ka sii dhacaa. Mid baan aaminsanahay
fiid-meereyaasha rabitaankooda ay hurdada rabaan ama doonida ay hurdada ka
doonaan tamar aad bay u yar tahay, malaha way ka adkeysi badan yihiin dadka
kale. Daalka in aan u adkeysi badan nahay, nasashada baahida aan u baahan
nahayna ay yar tahay baa malaha guureeyeyaal naga dhigtay. Tusaale, berri subax
haddii aan leeyahay barnaamij ha u maleynin in aan caawa goor hore seexanayo,
waxay u badan tahay in aan soo jeedayo ilaa waabariga deetana aan barteydaas ka
sii dhaqaaqayo. Malaha kuwa hurdada ka soo toosayba waan ka firfircoon nahay,
ka feejigan nahay, kana dhiiran nahay. Saaka baan quraacdii aaday, saaxiib baa
igu salaamay "subax wanaagsan saaka hurdada dhakhso baad ka soo toostayee
weligeyba ma anaa ku arka xilliyadan". "Dhafar baan ka soo
toosay" baan ugu jawaabay, afka aan kula hadlayeyna si qariib ah oo aysan
iyagu isticmaalin baan ugu iri.
Markaad seexataanna waan soo jeednaa, markaad soo
jeedanna waan hurudnaa, markaad daashaan baan firfircoon nahay, markaad hurdada
ka soo toostaan, annagu dhafar baan ka soo toosnaa. Waxaan Nahay
Fiid-meereyaal. :)
1: Warbixinta Cilmi-baarista ka hadleysa fiid-meereyaasha. http://www.medicaldaily.com/all-night-7-little-known-facts-about-night-owls-323416
0 Comments