Nus-saaca Nafta Ama/Iyo Qoyska
12:44 AM
Saaxiibo dhow ayey ahaayeen intii ay wadeen
waxbarashadii dugsiga sare, hayeeshee waxaa kala leexiyey wakhtiga iyo waayaha.
Xagaa waxa uu ka tagay magaaladii ay qoyskiisa ku noolaayeen si uu wax uga soo
barto jaamacadda ugu fiican ee bixisa takhasuskiisa; Ardose waxay go’aansatay
in ay ku tabarucdo wakhtigeeda ayna la wareegto gacan ku heynta bar lagu
xanaaneeyo agoomaha, dhinaca kalena waxay ka waday waxbarashada jaamacadeed.
Wakhtigu waa ka isaga ordee, 3 sano ayaa ka soo
wareegatay welina waa saaxiibo Xagaa iyo Ardo si joogtana waxay uga wada
xiriiraan taleefanka iyo baraha bulshadu ku kulanto. Mid kasta waxa uu si hoose
uga war qabay xaaladaha ka kale iyo isbadallada ku imanaya noloshooda oo ay ka
mid aheyd xiriirada ay la sameeyaan jinsiga kale. Ardey dadaal badan maadaama
uu ahaa, Xagaa waxaa uu helay fursad uu sannada u hartay ku dhameystiran karo
dalka dibaddiisa isla markaasna loogu darayo 2 sano oo takhasus ah. Isagoo aan
macsalaameyn qoyskiisii ayuu bartii uu jaamacadda ka dhiganayey ka sii duulay
una caraabay qurbaha.
Kala fogaanshihii waxaad moodaa in uu saaxiibada dhex
dhigay masaafo isfahan taasoo soo ifbaxeysa markii uu soo laabtay Xagaa. Ardo
si fiican ulama aysan xiriirin saaxiibkeed Xagaa muddadaas, hayeeshee
xaaladiisa waxay ka wareysan jirtey walaashiis Saruuro oo ay isku jaamacad
yihiin Ardo. Xagaa, isla todobaadkii uu yimid, wuxuu ka war doonay Ardo si qoto
dheer ayeyna u sheekeysteen.
Bil markii ay ka soo wareegatay kullankii u horeeyey oo
ay ku adkaatay in uu qariyo dareenka ku dhashay ayuu Xagaa waxa uu iska
dhaadhiciyey in ay waajib tahay in uu dareenka uu u qaaday Ardo uu la wadaago.
7 – 8 sano bay isku fasal ahaayeen marna kuma uusan eegin Ardo il kale oo damac
kama soo galin, immikase dadkii waa wada koreen oo lix sano la isma arkin
iyaduna qurux muuqaal ahaaneed iyo garaadba waa u sii ku kordhay. Waxa uu
go’aansaday in uu laba warqadood u qoro hal mar, mida koowaad markay ka soo
jawaabto in uu mida labaad u diro.
Ardo warqadiisii jawaab uu ku farxo bay uga soo
jawaabtay waxayna codsatay in ay weji ka weji uga wada hadlaan arrinta maadaama
ay hal magaalo wada joogaan. Xagaa arrintii wuu ka leexleexday wuxuuna u
sheegay in uu reerkeeda ka soo doonayo haddii ay la fahanto warbixinta uu
warqadda labaad ugu soo qori doono.
Warqadiisii labaad sidaan ayey aheyd.
“Ardooy intii aan kala maqneyn waxaan aaminay in caadooyinka
qariibka ah ee qof gaar u ahi badanaaba ay yihiin kuwa soo saara qofkaas
(muujiya halka uu ku fiican yahay). Dadkuna waxay ku khasban yihiin in ay aqbalaan
dhaqamada aynsan badali karin ee ay leeyihiin kuwa agtooda ku weyn. Mushkiladdaha
u badanina waxay dhashaan marka dhaqan aadan ka helin uu lamaanahaaga la soo
baxo (laga yaabee in uu horey u lahaa laakiin aad adigu gadaal ka ogaatay). Sidaas
darteed baan rabaa in aan kuula wadaago caado aan leeyahay oo laga yaabo in
aadan aqbali karin.
Nolosheyda adiga ayaan kuu hibeynayaa, wax walboo aad
iiga baahato iyo wakhti kastoo aad ii bahataba waxaan ahaan dhinacaaga, sida
harkaaga oo kale baana kuu ag joogi xilli kasta marka laga reebi labo xilli. Haddii
labadaas xilli aad aqbali kartid in aan feejignaanteyda iyo miyirkeygaba aan siiyo
cid aan adiga aheyn in sha Allaah wax kale oo dhib ah arki meyno.
Habeen walba inta aanan seexan ka hor waxaan isbaray in
aan muddo nus saac ah la qaato hadba qof ka mid ah dadka aan aadka u jecel
yahay, aana aheyn qoyskeyga iyo saaxiibadeyda toonna. Daalkii maalinta ayaan ku
ilaawaa arkidda wejigiisa/wejigeeda dhalaalaya, nasiib darro hal qofna ma ahan
oo go’an ee hadba cidda aan maalmahaasi u go’aamiyo weeye. Waan ogahay qofna
isagoo qof kale xiriir la leh ma uu sameyn karo xiriir kale oo taasi waa
daciifnimo, sidaasoo ay tahay laabteyda waa ay ku qaboobeysaa in uu aad uga
bogto eegmada iyo la sheekeysiga ruux aan adiga aheyn hurdadeyda ka hor. Inta aan
ku dheegaganahay muuqaalka ruuxaasi waxaan dalxiis iyo damaashaada ku soo
marayaa meel walboo maskaxdeyda qaboojineysa. Muuqaalka dhul qurxoon, dad
qurxoon iyo farriimo carfoon in ay huwan tahay eegmadaasi u badi. Haddii nus
saaccaas oo xasilinaya laabta lamaanahaaga aad ku nici doonto, waxaa hubaal ah
in aan isa seegeyno. Taasi waa taas.
Mida kale, waad ka warheysaa in badi dhakhaartiirtu ku
taliyaan in uu aadanuhu aroor walba sameeyo jir-dhis uuna cuno quraac isu-dheeli-tiran.
Waa xaqiiq in intaasiba tamarta-maalmeedka qofka qeyb ka tahay; hayeeshee, aniga
waxaa ii dheer oon dareen qurxoon ka helaa in qofkii xalay hurdada ka hor an la
sheekeystay aan mar kale wada-sheekeysi qiime leh la yeesho markaan indhaha soo
kala qaado. Waxay iiga dhigan tahay sida in aan indhaha ku kala qaaday beer ay
ka buuxaan ubaxyo casaan, huruud iyo cadaanba leh oo uu roob helay welina ay
biyihiii ka sii tifiq tifiq leeyihiin. Nus-saac wada sheekeysi ah oo uu
aroortii ugu kallaho lamaanahaagu cida uu daneynayo haddii aad u diideyso,
waxaa ah hubaal in aan isa seegeyno.
Ardooy gacalo anigu ma ahi mid gogol dhaaf in uu
sameeyo xitaa ay weligiis maankiisa ku soo dhacday, mana ahi mid jecel in uu ka
maseyrsiiyo qoyskiisa bal taas caksigeeda baa run ah. Nus saaca ka horeeya
hurdadeyda iyo nus saaca ugu horeeya ee aan soo tooso waxaan la doonayaa in aan
wakhti la qaato cid aan adiga aheyn oo aan bar xumaan ahina ku dheehneyn.
Haddii aad i fahantay kuna qanacday farriintaas fadlan ii soo jawaab isla
todobaad gudihiisana waxaan aniga iyo qoyskeygaba iman doonnaa gurigiina si aan
reerkiina kuu weydiisanno.
Kheyr baan kaa filayaa in aad iigu soo jawaabto
Sirdaareey.”
7 sano kadib waxay Xagaa, Ardo, Qarni iyo Barni ay
fadhiyeen masraxa makhsinka shirarka ee hotel Darmo. Gadaashooda waxaa ku
dhagsanaa boor ay ku qoran tahay,
Bandhigga buugga “Nus-saaca Qoyska” oo ay wada qoreen
lamaanaha XagAr “Xagaa + Ardo”.
Haa, Ardo way aqbashay labadii shardi ee Xagaa immikana
waxay is qabaan todobo sano, waxaana uu Eebbe siiyey laba ilmood, wiilkooda u
weyn Qarni oo 6 jir ah iyo gabadhooda ku xigta Barni oo 3 jir ah.
Markii ay soo xaadireen dhamaan bahda saxaafadda iyo ka
soo qeyb galeyaashii bandhiga buugga, waxaa Ardo ayaa dib u milicsatay qisada
buugga iyo warqaddii waxayna sheegtay in ay dareentay in Xagaa uu imtixaanayey
sidaas darteedna ay aqbashay guurkiisa iyadoon ka dalban in uu fasiro waxa
rasmiga ah ee uu ula jeeday caadooyinkiisaas.
Xagaa ayey eegtay sida in ay u baaqeyso in uu hadalka
sii wado, isagoo dhoola cadeynaya ayuu garabkeeda saaray gacantiisa oo uu eegay
indhaheeda. Wuxuu bilaabay in uu sharxo waxyaabaha uu buuggu ka kooban yahay oo
uu u kala qaaday laba qeybood (xasuuso labadii nus saac ee uu xaaskiisa ugu
sharxay warqadda) isagoo tilmaamay in labadaasi nus saac uu marka hore
aaminsanaa in ay yihiin kuwo shakhsi ah oo isaga u gaar ah, hayeeshee ay Ardo u
badashay mid qoys.
Wareerka nus-saacyadaan toloow muxuu yahay oo ay Ardo
ugu dul-qaadatay Xagaa? Waxay XagAr ku micneeyeen in uu yahay caadeyso la
caadeysto in aan subax walba cidna lala hadlin muddo nus saac ah kadib markii
hurdada laga soo tooso. Nus-saacaasi dadku waxay indhaha la raacaan sadarada
buugga ay akhriskiisa wadaan maalmahaas, buuggaasi waxa uu maalintooda ku
kabayaa tamar dheeri ah. Dadkaasi waa kuwa quudiya maankooda ka hor jirkooda.
Shaxda saxda ah ee quudintoodu waaba sidatan: quudi ruuxdaada, quudi maankaaga,
kadib quudi jirkaaga. Cibaadeyso, cilmi kororso, kadib jirkaaga ku kab cunto
iyo wixii uu u baahan yahay oo kale.
Iskaba daa wax kalee, waxay laacidda aad laacda
bastadda uu buugu saran yahay si u soo qabsato buugga in ay u dhiganto
qabashada gacanta ruuxa aad jeceshahay, kala furidda baalasha buuggana waxaa la
barbar dhigeen soo jeedinta ruuxaasi, akhrituna waxay noqoni eegmada wejiga
ruuxaasi kugu weyn. Hadallada macaan ee uu qofkaasi ku oran karo dhagahaaga
baad ku maqashaa, kuwa buuggu kuu sheegi karose indhahaaga baad kaga bogataa.
Lamaanahaaga wuxuu dhaqdhaqaajiyaa wadnahaaga, buugaagtuse maankaaga.
Hurda ka horse nus saacca buuga la akhriyaayi waxayba
ka dhigan tahay inta aadan seexan sheekooyinkii ay hooyo kaaga sheekeyn jirtay
ee aad ku gam'i jirtay. Ama codkeeda macaan heesaha ay kuugu luuqeyn jirtay.
Mise waxaad oran kartaa ilmo yar oo aan seexanin illaa loo keeno boombalihii uu
jeclaa. Yaa sii deyn kara dareenkaas oo kale? Miyaaney maalintaadu istaahilin
in aad ku soo afmeerto buug akhrin?
Hikmet Anil Oztekin (qoraa reer Turki ah) baa buuggiisa
Eyvallah waxaa uu bog ka mid ah cinwaan uga dhigay "Qof aan buug akhrinin
guursan maayo". Malaha waaba saasoo caadadaas qurxoon qofkaan laheyn
noloshaba hala wadaagin intii ay khalad u fahmi lahaayeen aamusnaantada hurdada
ka hor iyo kadibba. Halkii aad labadiinnu is eegi laheydeen maad hal buug wada
eegtaan oo aad ku midowdaan dhaqankaas qurxoon? Qof aan buug (si joogto ah) u
akhrinin in aad guursato wuxuu qoraaga reer Turki ku tilmaamay in ay la mid
tahay "badweyn in aad kula dhex jirto ruux aan dabaal aqoonin".
Dhaqamada xun-xun iyo caadooyinka aan diintaada, amiirkaaga/dadnimadaada iyo caafimaadkaagaba u fiicneyn in aad badashaa way
haboon tahay, sidaasi si la mid ah in aad sameysato caadooyin wanwanaagsanna
waa dhaqan aad loo boorriyo. "Akhrisku wuxuu si ba'an u waxyeeleyn karaa
jahliga" bay odhaneysay oraahdii caanka aheyd. Haddaba si jahligu adiga,
reerkaaga, iyo dhashaadaba uusan idiin soo weerarin guriga maad ka abuurtaan
caado idiin gaar ah sida "Nus-saaca Difaaca Nafta/Qoyska" - Qoyska
waxa laga difaacayana waad isla wada garaneysaan.
Hurdada
ka hor aadanaha nool oo idil muddo 30 daqiiqo ah ayuu dajiyaa maskaxdiisa. Markii
uu soo toosana nus saac ayuu u baahan yahay si uu u qaato tamar-maalmeedkiisa.
F.G Xagaa iyo Ardo qisadoodu waa male-awaal.
Akhristoow, adigu ma heysaa habab/tabo kale oo nafta, qoyska, iyo ummaddaba lagu difaaco? Dabcan, oo jahliga looga difaaco. Fadlan nala wadaag.
0 Comments