Nimanku Hablaha Beenaha Ay u Sheegaan

4:19 AM

Ka hadalka dhagarta, lugooyada iyo khayaanada dumarka waxay iska noqotay wax caadi ah oo uu qof waliba u aamino sida uu u aaminsan yahay in midabka cirku yahay buluug oo kale. Soomaaliduna waaba sii fogeysay oo waxay isugu maahmaahaan "Sir Naageed Lagama Sal Gaaro" iyo kuwa kaloo ka sii dara, sida in dumarku yihiin kuwa ragga sharta u horseeda oo ay ugu maahmaahaan "Awr awr wado iyo nin naagi wado midna kaama leexdo". Qormadaan dhinacaas waxba kama eegeyso ee waxa ay in yar iftiimineysaa khayaanada, beenaha iyo waxyaabaha raggu dumarka caqliga uga xadaan.
  


Heesaayada Ameerikaanka ah ee Beyonce (Biyoonce) heesteedi aheyd "If I were A Boy" - Haddii aan wiil ahaan lahaa - waxay ku cabirtay dhibka ay ku qabto ninkeeda iyo sida ay yeeli laheyd haddii ay booskiisa ku jiri laheyd. Waxa ugu badan oo ay ka cabaneysana waa dhageysi la'aan. Illaaheey baa u abuuray dumarku in ay isku dayaan ku cabiridda dareemahooda erayo badan, ragga kuwooda u roonna waxay iska dhigaan in ay fahmeen waxay ka hadlayaan dumarku ayagoo aan fahmin. Qofka hortaada fadhiya haddii uu dareemayo in aadan la soconin waxay ku noqoneysaa qalbi iyo niyad jab, dumarkuna ma ay jecla ragga aan dhageysanin amaba hilmaama waxa ay u sheegaan. Haa waan kula socdaa, waan ku dareemayaa waa beenaha u badan ee ay sheegaan ragga ugu yaraan wax ka maqla waxa ay dumarku ka hadlayaan.

Waxaase taas aad uga daran beenta dumarka loo sheego xilliga haasaawaha. Soomaalidu, in kastoo ay Muslimiin yihiin, haddana waa iyaga dhaqan gishtay oraahda ah "Dumar been baa lagu soo xero galiyaa, runna waa lagu dhaqaa". Sida ninkii inanta markii uu la sheekeysanayey ugu sheekeeyey in uu leeyahay 4 gaari, kadibna markii ay muddo is qabeen ay maalmo badan ka codsatay in uu gawaaridiisa tusiyo. Ugu dambeyn, maalin ayuu guriga soo galay una sheegay in ay banaanka u baxdo si ay u aragto afartiisa gaari; maxaa kuu dhiibtayba, waxay aragtay 4 gaari daameer oo biyaha u dhaamiya xaafadaha! Soomaalidu ayagaaba warka isu dhameeyey oo yirahda "Durbaan qofkii xada meeshuu ku tumi lahaa baa la rabaa". Qof aad been ku keentay oo been ugu soo sheekeysay run dambe in uu kaa filo xiriir caafimaad qabana uu idin dhex maro waa habeenkii xalay ahaa ee tagay.

Barış Manço (Barish Maanjo – heesaa Turki ah) miro uu tiriyey ayey isaga iyo gabar isku weydiiyo dhaafsanayeen. Waxa ay tirahdaa "Qalbigeygu wax buu kaa doonayaa ee sideen kuugu sheegaa gacaliye?" Isaguna faanka nimanka lagu yaqaan buu bilaabaya oo ku oranayaa "Xidigaha ayaan tintaada taaj uga sameynayaa, badda ayaan biyaha ka dhuuqayaa, qoraxda ayaan hal neefsasho ku daminayaa, buuraha ayaan waddo kaaga sameynayaa adiga dartaa gacaliso" Gabadhii sidaa loogu sheekeeyey dee guriga markaad la gasho in ay sidaas dareento waa muhiim. Iyadii baa ku soo noqoneyso oo oraneysa "Gacaliye, xidigaha halkooda bay ku quruxsan yihiin ee iska dhaaf. Tinteydana in aad gacantaada ku salaaxdo baa ku filan . . ." Waxaase intaas fududba malaha ka sii daran ragga Soomaalidu mida aadka ugu fudud in ay dhahaan ee ah "Weligeey kula guursan maayo" kadibna iyadoo 3 da' ka badanba aan u dhalin mid kale laga daba keenayo.


Ma garanayo karayo waxa keenaya kalsooni darrada lamaaneyaasha badi dhex taalla. Immisa ayey dhacdaa in nin ay afadiisu weydiiso halka uu jirey oo isaguna meel been ah u sheego? Immisa ayey dhacdaa in inta ay soo wacdo oo ku tirahdo halkee joogtaa uu isaguna been u sheego, daqiiqad kadibna ay iska soo hor baxaan? Immisa ayey dhacdaa in taleefanka oo mashquul ah ay gabadhu soo wacdo deetana uu ugu sheekeeyo in uu hooyadiis la hadlayey? Been ku xoog weynaa, hooyadii hal daqiiqo ka badanba lama uu hadli karo ee 50 daqiiqo muxuu ku mashquulsanaa? Immisa ayey dhacdaa in inantii uu calmaday uu ugu yeero magaca mid kale hadhoowna uu dhulka ku rafto, waa ina adeerteey iyo isku fasal baan nahay iyo waa xoghayaha xafiiska aan ka shaqeeyo iyo uu been iyo balo shubaa?

Aadanaha labkiisu intii rag ahna waa rag nadiif ah oo runta sheegi yaqaan, reerna si wanaagsan u dhaqda; inta kalena waa iska niman masaakiin ah talo aan aheyn been quruurixi iyo tacab kaleba aan faraha ku heyn. Haddaba waxaan ku oran lahaa jinsigiisa labku in ay ahaadaan qofka ay yihiin, midii kugu rabta qofka aad tahay baa kun jeer ka qiimo badan mid u baahan in aad beeno u dhisto. Dheeshaan ah laalaabka iyo been-sheegidda waxaa in badan idiinka fiican dhediga ee maad ka joogtaan oo iska dhaaftaan intaysan kubaddu lugtooda galin?

You Might Also Like

0 Comments