Codka Awoodda - Awoodda Codka
7:17 PM
Maalin walba adduunka waxaan aad u maqalnaa
#Codka_Awoodda. Waa kaa midba kuu ka xooga badnaa ka qeylisiinaya. Awooddu waa
taas dab, qarax, rasaas, oohin, duqeyn, fakhri, dhimasho, dulleyn, guumeysi,
qax iyo dhawaqyo kaloo badanba dhalisa. Awoodaha aadka u codka dheer waxaa ka
mid ah maalka, magaca, derajada, xoogga, tirada, mansabka, maskaxda iyo kuwa
kaleba. Inta garaadkeenu ina tusayo awoodahaasi waa kuwa dadka heystaaye aaney
qarsan karin waxayna jecel yihiin mar walba in kuwa aan heysanin ay codkeeda maqashiiyaan.
Eeg tusaaleyaashan hoose.
- Mudanahaaga shaqada oo ku oranaya, "1 daqiiqo iyo 13 ilbiriqsi baa soo dib dhacday, waa digniintii u dambeysay."
- Mulkiilaha gurigaaga oo kuugu goodinaya, "Kirada guriga waxaan kor u qaaday 30%, haddii aadan awoodin isaga bax dad baa ka badan iila taagane."
- Islowga beesha oo cataabaya, "Annagoo beesha digaaga ah walleysan beesha baranbaradu isku xaq nala noqoneynin"
- Aqoonyahanka oo faanaya, "Waxaan awood u leenahay in aan dhaqaalaha waddanka u sameyno hab-xisaabeed ku saleysan mabaadii'da dhaqaalaha caalamagi ah, halka idinku aad weligiin xoolo dhaqasho waxaan aheyn iidan karin."
- Waalidka oo khasbaya dhashiisa, "Maandhey ninka aan kuu dooray haddii aadan guursan waan ku habaarayaa."
- "Ayaga oo dhanba waxaa ku filan hal madfac oo aan ku halgaadno" bay ku hanjabi kuwa xoogga badani.
- "Haddii mar dambe ay juuq noo yirahdaan intaan u lugeyno baan ilkaha ku cuneynaa, halkooda qofna 10 naga mid ah baa qeybsanaya" baad ka maqli kuwa tiradoodu dhowr mar ka badan tahay kuwa kale.
Tusaale ka yara fudud bal eeg, nin aad kaaga xoog weyn
baa kugu qabtay qoor-sagaaro (surmo), qiiqda kaa yeerta baa ah codka aan ka
hadlayo ee awooddu leedahay. Dhawaq aad u dheer oo xanuun badan ayey sameeyaan
marka loo isticmaalo qaababka kore ee xunxun oo kale.
Hayeeshee waxaa jirta awood aan aad loo fahansaneyn
dadka isticmaalana ay ku gaaraan guul ka waaritaan dheer mida ay keento
#Codka_Awooddu. Dadka waxaa u baahan in loo bandhigo oo si fiican loo baro waa
#Awoodda_Codka iyo noocyadeeda. Ha isku khaldin, halka kore waxaan kaga yara
hadlay #Codka_Awoodda, mida halka hoose aan kaga hadlayose waa #Awoodda_Codka.
Awoodda Codku waa awood ka mid ah awoodaha ugu sarreeya
ee aan weligood xal loo helin. Awood aan laheyn xad, awood qofka heystaa uu
marwalba gacan sareeyo xitaa haddii noloshiisa ay khatar ku jirto, awood aan
muuqan sidaas darteed cid wax yeeli karta ama kaa faramaroojin kartaa aysan
jirin. Waxaan ka hadlayaa #Awoodda_Codka.
Dadka leh awooddaha muuqda maalin walba waxay u
isticmaalaan dadka kale sababtaas baa keeneysa in dhagaheena codka ku soo dhaca
uu yahay midka awoodaha muuqda oo qura. Awoodda Codka oo aan ku tirinno in ay
ka mid tahay awoodaha aan muuqan waxaa la maqlaa wakhtiyo dhif ah, markaasina
waa mar uu xanuun, rabitaan, kalsooni laabta ka soo go'day ay wehlineyso.
Awooddii Koonfur Afrika ka xoreysay midab takoorkii oo uu fikirkeeda lahaa
Nelson Mandela, awoodii uu Ghandi u adeygsaday in wadankiisa kaga kiciyo
guumeystaha. Tusaalaha ugu weyn waa kii risaaladii anbiyada oo mar walba yaqiin
ku hadli jirtey. Tabartoodu haba yaraatee haddana awoodda codkooda baa ah mida
aan marna guuldareysan, illaa hadda fikirkooda waa kan oo sinna aan u baabi’in.
Waxaa ka mid ah awoodda codka kuwan hoose:
- Sabirka oo ah awoodda u weyn codka.
- Adkeysiga oo ah iyadana awoodda qofka qeexda, waxayna keentaa in uusan qofku sinna isu dhiibin ugana tanaasulin yoolkiisa.
- Aamusnaantu waa awood hadlidda xitaa ka cod dheer marar badan, ruuxa awooddaasi hantiyaayi waa ruuxa ka gaabsada wax walboo aan mudneyn jawaabtiisa.
- Mabaadii'da uu ruux ku qotomiyo noloshiisa waa kuwa awood u siinaya in uusan sinna u liican in kastoo uu la‘eg yahay weerarka lagu soo qaado.
- Jaceylku waa awoodda ka xoog badan naceybka, sideed si xun ula dhaqmi kartaa ruux ku wanaajinaya oo kuu dhoolacadeynaya?
- Awoodda doonista iyo rabitaankuna waxay leedahay cod sarreeya markii doonistu ay tahay mid laabta ka soo go'day dadkuna aad ugu baahan yihiin. Eeg dad mudaharaadaya, askar gadoodsan, shaqaale cabanaya kulligood codkooda wuxuu leeyahay awood gaarsiisa halka ay rabaan.
Markii ay timaado dhawaqa afka ka soo baxa, codka degen
ee sida aadka looga fiirsaday loo adeegsadaayi wuxuu reebaa saameyn aan
weligeed hareynin. Codkaasi waxaa ku jirta awood micno leh, waana awooda
micnaha leh mida ka sareysa awoodda muuqata.
Awoodaha codka ee sarreeya waa mida keenta adigoon
cidna khasbin cidna muquunin in dadku iskood kuu dhageystaan ixtiraamaanna waxa
aad leedahay. Halkan hoose waxaan ku taxnay dhowr qodob oo uu Julian Treasure (Tababare
coded u dhashay waddan Ingiriiska) sheegay in aan ka fogaanno si dadka kale noo
dhageystaan. Markii ay dadka kale ku dhageystaanna waxaad og tahay in codkaagu
awood leeyahay. Julian wuxuu ugu magac daray "7 danbi ee hadalka"
waana kuwan:
- Xanta: In aad qof kale si aan caafimaad qab ku jirin aad uga hadasho. Ogsoonoow qofka dadka kale kula xantaayi daqiiqado kadib adiguu ku xaman.
- Xukminta: Qof in aad xukmiso markii uu hadlaba oo aad wixii uu sheegayba khalad, sax, fiican, xun u kala saarto sidii in aad tahay qaadiga maxkamadda oo kale waa dhaqan aan fiicneyn keenana in aaney cidna ku dhageysanin markii aad sidaas thaay.
- Xume-raadin: Arrin walboo aad aragto markii aadan dhinaca wanaagsan aadan ka eegin ee aad ka raadiso xume waa musiibo. Weli ma aragtay qof si wacan u labisan inta uu hortiina soo maray in midkiin uu yirahdo "laakiin way gaaban tahay!!" Way adag tahay in qof la dhageysto markii uu qof xume-raadiye yahay.
- Cabasho: Aadanuhu ma qanco, qanaacada ruux ay ka maqan tahayna afkiisa ma xirto. Tanise waa in aad wax walba dacwo ka tahay, qoraxdu kululaa, wadaduhu ciriir badanaa, miiska xafiiskeygu koobanaa, dharkeygu duugsanaa, gurigeygu fogaan badanaa . . . wax walba waad ka cabaneysaa, yaa ku dhageysan haddaba? Fiicnaan laheydaa in aad xaaladaha ku aqbasho sida ay yihiin aadna ula tacaamusho sidaas.
- Marmarsiiyo: Maxaad u soo daahday? Saacaddeyda ayaan soo qeylinin, quraacdii baa iga daahday, wadada ayaa xirneyd, nuunaha ayaa iga xanuunsanaa, madaxa ayaa la iga hayey. Marna lagama yaabo in uu dusha u rito eedda, sidaas darteed waxaa uu eedeynayaa wax walba oo kale. See loo dhageysan qof aan aqbali karin mas'uuliyadda falalka uu sameeyey?
- Buunbuunin: Si qofku wax walbuu sheegayo uu uga dhigo wax cajiib ah wuu ka badbadinayaa, ka badbadintuna waa been, beentuna lama dhageysan karo. Yaase dhageysanaya qof la og yahay in uu been sheegayo?
- Teyda-raac: Markay isaga kaa khaldan yihiin xaqiiqaha jira iyo fikradaada cidna ku dhageysan kari meyso. Aniga ayaa iri oo waan hubaa sidaas darteed hala raaco, dooro qoor-qabasho biyo kuma cabto, si kastoo biyuhu caafimaadkeeda ugu fiican yahay. Dadka kuma khasbi kartid fikradahaaga in ay u qaataan sida aayad qur'aan ah oo kale adigoon wax cadeyn ah iyo daliil toonna aadan heysan.
Haddii aad ka fogaato intaas, awoodda codkaagu si ay
usoo ifbaxdo afartaan hoose ku dadaal:
- Daacadnimo: Warkaagu in uu cad yahay aadanna la leexleexan.
- Is-ahaansho: Qofkaad tahay ahoow, markaad hadleysid uma baahnid in aad cid kale iska dhigto oo sidooda u hadasho. Haddii kale dawacadii socodkeedii ka tagtay ruuxeey canjileysayna socodkiisii gaari weyday baad noqoneysaa. Si aadan u dhumin dhexdana aadan ugu soo dhici, ha ka tagin ruuxa aad tahay wax tamar ahna ha galin in aad cid kale u dhawaaq ekaato.
- Isku-wareeg: Hadalkaagu in uu yahay ficilkaaga. In aad leedahay mabaadii' asaas u ah waxa aad leedahay aayna kaa muuqato kku dhaqankoodu.
- Jaceyl: Dadka wanaag u rajee, u hambalyee, u dhoolacadee, kheyr la jecloow, u muuji jaceyl. Qof waliba wuu jecel yahay si macaan oo qaboow in loola hadlo.
Akhristoow nagu kordhi wixii kaloo maankaaga ka guuxaya oo awoodda codkaaga kor loogu qaadi karo.
0 Comments