Geeraarkii 'Han Sare'
6:46 PM
Nin walboo han sare
Iyo leh himilooyin
Hurdo wuu ka tagoo
Habeen iyo dharaar
Halkii uu ku taamee
Indhihiisu hayaan
Ayuu hawl u maraa
Waxa uuna hubaa
In uu heli doono
Hadeer ama hadhoow
Marka uu horeysa
Ha ilaawin in uu
Hoos ka soo bilowdo
Horumar kasta ee
Hayeeshee dayaxaa
Ku haboon higsi ee
Haddii aadba gafto
Xitkahaada haleeli
Jidka horuumarka
Wuu hawl badanyahee
Adu heegan ahoow
Hareerahaagana
Hanyare kama marnee
Habataq iyo hus ku dheh
Dhagna haw jalaqsiin
Kuwii kaa horeeyee
Gaaray horumaroo
Hal kumaa ay dhamaan
Kulli hooyaa dhashoo
Waase halgameyaal
Halyeeyo la xuso
Hogaaminta yaqaan
Hal-abuurna lahoo
Raadad ay ka hareen
Halgankey u mareen
Guushii ay soo hoyyeen
Hal-hal u milicso
Tamar hawleed iyo
Ilhaam baad ka heli
0 Comments