Raggu Muusan Ooyin?

2:20 AM

Raggu ma ooyo. Raggu ma ilmeeyo. Yaa indhaha saaray macallinkiisa iskuulka oo oynaya? Midee baa usoo joogtay seygeeda oo ilmadu ka qubaneyso? Miyey dhacdaa in hoggaanka umaddu ay indhihiisu ilmo ka soo daadato? Yaa arkay aabe oo oynaya? Aabaha xitaa murugadiisa lama arko, sababtoo ah raggu waxay si fiican u jileen door ah "in ay aysan oynin". Ilmaha yarka ahi marka uu dhasho wiil iyo gabar uma kala soocna oohinta, haddii uu gaajoodo, haddii ay hurdo heyso, haddii uu kuleyl dareemo, haddii uu cayayaan cuno, haddii uu xanuunsado, iyo mar walba way ooyaan. Inta ay soo korayaan xitaa way ooyaan labka iyo dhadiga aadanuhu, haddana xilliyada korriinka ayuu fikirkaasi is badalaa oo waxaa lagu dhajiyaa shaabad ah "RAGGU MA OOYO".

Huffingtonpost.com


Qalbi qurxoon, damiir qurxoon iyo dareen aadane ayagoo leh, maxay u oyn waayeen? Oohintu maanay ka mid aheyn dareemayaasha insaanka? Mise waxaa laga dhaadhiciyey in oyntu ay tahay wax xun? Ma waxay yirahdeen oohintu waa ceeb? Midkii u kheyrka badnaa inta Eebbe uuntay, Rasuulkeenna S.C.W, maanu ooyi jirin? Isagoo tukanaya, isagoo duceysanaya, iyo isagoo xaalad gaar ah ka daqmanayaba? Cumar Binu Khadaab Allaaha ka raali noqdee miyuusan ooyin markii uu ku soo baxay ilmihii ay hooyadood biyaha dabka u saartay kuna sasabeysay maadaama aysan cunto u heynin? Xagee ka yimid fikirkaas ah in raggu ay isku celiyaan dareenkooda? Yaase keenay?

Dadka dunnida kale ku nool bartaas haba joogaanee, Soomaalidu dhaqankaas halkee uga yimid? Soomaalidu reer guuraanimadii ay noloshoodi badi ku soo jiren ka hor intii aanay dhawaanahan u soo wareegin magaalooyinka ayaa u sabab ah in raggu ku barbaaro jixinjix iyo naxariis la’aan. Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ka waramaya arrintaasi baa ku tibaaxaya in Soomaalidu xoolo kala dhicii ay ku caanka aheyd ay sababeysay in “ninku adadeyg ku tilmaannaado, in uu qarsado dareemadiisa qof ahaaneed iyo waxa laabtiisa ka guuxaya ee dadka kale aysan si fudud uga ogaan.” Waxaa uu Idaajaa ka dhawaajinayaa in oohinta iyo jiljileecaba ninkii lagu arko lagu liidi jirey. Haddaba, qarnigan 21aad oo Soomaalidu badi tahay reer magaal dhaqankaas iyo dabeecadahaasi dib uma aysan eegin ee tabtii buu u dul saran yahay malaha. Ab iyo awoow ka soo gaar dheh. . .

Aabaha qaxooti Suuriyaan ah oo oynaya. . .

Saaxiib aan garanayo baa mar bartiisa facebook-ga ku soo qoray "Rag wixii ka oysiiyey wallee ma yara" kadib markuu arkay sawir qaxooti Suuriyaan ah oo ninkii reerka masuulka u ahaa uu oynayo. Ruux walboo daqmada, mid walboo la dhagro, ku walboo dambiile in uu yahay is garta, kan la dulmiyey, mid kastoo garowsaday in uu cid uun dulmiyey, ruux kastoo toobad keen ah ee gacmaha u taagaya Eebihii uuntay si dambiguu af iyo adinba ku geystay looga dhaafo, doonayana in uu qalbigiisa, gacmihiisa iyo afkiisaba nadiifiyo wuu ooyi sidey u badan tahay. Oohintu waa dareen uusan maamuli karin ruuxu kana turjumaya murugo, xanuun, shalaay, ciil ama cataw iwm. Yaa xaq idiin siiyey in aad bulshada barkeed ku celisaan dareen ka mid ah dareemahooda? Ha qoslin iyo ha ooyinba miyeysan aheyn sma dhaanto. Ha ooyintu waxay dhalisay in aan aragno odayaasha waaweyn in aysan weligeed qoslin. Dad baa ku oranaya “aabaheey oo qoslaya weligeey ma arkin!” Subxaanallaah.

Saaxiibayaal, ninkii ishiisa ilmo lagu arkaba ma waxaa lagu oran "ma rag baa ooya?"? Raggu nala weynaa toloow, cirkuba sow isaga ilmeeya oo afka iyo labadiisba furta. Mise kuwa na oranaya raggu ma ooyo waa kuwa na yirahdo roob baa soo socdee kala carara? Xagee raxmadda Eebbe iyo roob looga cararaa sow annaga salaada roob-doonta aadna markii dhowr biloodba roob noo di'i waayo? Sidaas si la mid ah xageed qof oohinta ugu celina hadhowna ugu eedeyn in uu yahay dareen laawe aan sinna u daqmaneynin?

Haddii aad manuucdeen ilinta indhaha ka soo daadata, sinna yaan loo hilmaamin kolleyba raggu way ilmeynayaan, gudaha ayeyse u daadan ilintooda. Dhibic walboo ilin ah oo banaanka u soo bixi laheyd waxay tifiq tifiq ku dul da'eysaa nabarka uu xanuunkiisa la ilmeynayo. Bal ordoo soo raadiya nabar qoyan oo bogsaday.

Isku celiya dareemihiin aadannimo ragoow, yaan l aooyin?


Markay ku yirahdaan ha ooyin miyeysan ku qabaneyn maantoo dhan fiq fiq iska sii ooy??

You Might Also Like

2 Comments